KAALMADA DHAQAALAHA
Soo dejiso boggan oo ah Af-Soomaali
SIYAASADA
Siyaasada Kaalmada Dhaqaale waxaa loogu talo geley in lagu xaqiijiyo in dadka degan Gobolka Washington ay ku sugan yihiin ama u dhaw yihiin heerka saboolnimada federalka ee qaata adeegyada caafimaadka isbitaalka ku salaysan ee munaasabka ah iyo/ama adeegyada caafimaadka ee aan isbitaalka ahayn ee munaasabka ah oo kharashkoodu yahay mid ku salaysan awoodooda bixinta kharashka adeegyada oo uu la socdo daryeel bilaa kharash ahi. Kaalmada dhaqaale waxaa la siin doonaa dhamaan dadka u qalma iyada oo aan la eegeynin da'da, qoomiyada, midabka, diinta, jinsiga, rabitaanka jinsiga ama meesha uu kasoo jeedo sida uu dhigayo Cutubka 246-453 Xeerka Maamulka Washington (Washington Administrative Code, WAC) iyo Cutubka 70.170 Xeerka Dib u Eegida Lagu Sameeyay ee Washington (Revised Code of Washington, RCW).
SIYAASADA AWOODA
Wargelinta bukaanka u sheegaya in UW Medicine ay bixiso kaalmo dhaqaale waxaa lagu soo dhajin doonaa meelaha muhiimka ah ee isbitaalka, oo ay ku jiraan meesha Dhigaalka, Waaxda Xaalada Degdega ah, Lataliyaha Dhaqaale iyo Duwaangelinta Bukaan Socodka oo loogu sheegayo shacabka Siyaasada Kaalmada Dhaqaale.
U qalanka kaalmada dhaqaale waxay bukaankada uga baahan tahay inay buuxiyaan shuruudaha iyo filashooyinka lagu sheegey Siyaasada Kaalmada Dhaqaale. Siyaasada Kaalmada Dhaqaale, waxaa weeye guudmad luuqad ah, siyaasada kharashka & uruurinta ee kaalmada dhaqaale oo lagu heli karo luuqad kasta oo ay ku hadlaan wax ka yar boqolkiiba shan ama 1,000 ruux oo degan aaga adeega isbitaalku gaadho ah. Sidoo kale, adeegyada turjubaada ayay heli karaan dadka aan ku hadal Ingiriisiga ama bukaanka Ingiriisigoodu xadidan yahay ama bukaanka aan akhriyi karin ama fahmi karin macluumaadka arjiga qoraalka ah. Nuqulada waxaa lagaga heli karaa bilaash websaytka UW Medicine ama marka la dalbado.
SHARAXA
Kaalmada Dhaqaale Daryeelka caafimaadka ee caafimaad ahaan muhiim ah ee la siiyo dadka dhaladka ah oo ay ka bixinayso cid kale, hadii ay jirto, marka laga waayo, ilaa inta dadku ayna iska bixin karin daryeelka ama lacagta laga jarayo ama xadiga caymiska ay intooda bixinayaan ee cida kale ka bixinayso iyada oo laga duulayo shuruudaha siyaasadan.
Dadka Dhaladka ah Bukaanka ama damiinadooda u qalma kaalmada dhaqaale ee ay dhigayso Siyaasada Kaalmada Dhaqaale oo ku salaysan heerka saboolnimada federalka, habaynta cabirka qoyska, ee waayay wixii caymis cida kale ah.
Caymiska Ka Bixiya Waajibaadka dhanka shirkada caymiska, qandaraaslaha adeegyada daryeelka caafimaadka, hay'ada caafimaadka ilaalisa, qorshaha caafimaadka kooxda, barnaamijka dawlada (Medicare, Medicaid ama barnaamijyada kaalmada caafimaad, gunooyinka shaqaalaha, gunooyinka ciidan hawlgabay), gunooyinka caafimaadka qabaa'ilka, ama daryeelka caafimaadka ee wadaaga wasaarada sida lagu sheegey 26 U.S.C. (United States Code) § 5000A inay bixiyaan daryeelka bukaanka caymiska ku jira iyo adeegyada, oo waxaa kamid ah ku heshiin, xukuno, ama in lagu abaal mariyo oo uu ku helo sharciga dayacaada cid kale (tusaale ahaan, shil gaadhi ama dhaawacyo shakhsi ahaaneed) oo keeney xaalad caafimaad oo bukaanka uu ku heleyo adeegyada daryeelka caafimaadka
UW Medicine: Ujeedada siyaasadan darteed, “UW Medicine” waxaa kamid ah Airlift Northwest, Harborview Medical Center, UW Medical Center, UW Physicians, Valley Medical Center iyo UW Medicine Primary Care.
Adeegyada Caafimaadka Isbitaalka Ku Salaysan ee Munaasabka ah Adeegyada isbitaalka UW Medicine ee si macquul ah loogu xisaabiyay shaybaadhka, sixitaanka, daawaynta, kor u qaadida ama kahortaga xaalada ka sii daraysa oo nolosha khatar gelinaysa, ama keeni karta xanuun daran ama damqasho, ama keeni karta xanuun ama adkaansho, ama looga baqi qabo inay keento ama kor u qaadaysa macquuliyada laxaad beel, ama keeni karta waxyeelo jidh, oo ayna jirin wax kale oo wax u taraayi, ilaalin dheeraad ah ama daawayn ka kharash yar oo la heli karo ama ku haboon qofka dalbanaya adeega. Daawaynta waxaa kamid noqon kara kormeer, ama meesha ay ku haboon tahay, in aan la dawayninba, adeegyada isbitaalka ku salaysan ee munaasabka ah waxaa kamid ah daryeelka Goobta Adeegga 11 ee xarunta caafimaadka/xafiisyada dhakhtarka iskood u taagan xataa hadii ay la shaqeeyaan isbitaalka UW Medicine.
Adeegyada Caafimaadka Isbitaalka Aan Ku Salaysnayn ee Munaasabka ah: Adeegyadaas waxaa bixiya (1) Airlift Northwest, ama (2) Place of Service 11 xarumaha caafimaadka/xafiisyada dhakhaatiirta iskood u taagan ee Xubnaha Physicians UW, oo si macquul ah loogu xisaabiyay shaybaadhka, sixitaanka, daawaynta, kor u qaadida ama kahortaga xaalada ka sii daraysa oo nolosha khatar gelinaysa, ama keeni karta xanuun daran ama damqasho, ama keeni karta xanuun ama adkaansho, ama looga baqi qabo inay keento ama kor u qaadaysa macquuliyada laxaad beel, ama keeni karta waxyeelo jidh, oo ayna jirin wax kale oo wax u tarayaayi, ilaalin dheeraad ah ama daawayn ka kharash yar oo la heli karo ama ku haboon qofka dalbanaya adeega. Daawaynta waxaa kamid noqon kara kormeer uun ama, halka ay ku haboon tahay, in aad wax daawayn ahba la samaynin. Ujeedada Siyaasadan Kaalmada Dhaqaale, adeegyada daryeelka kahortaga waxaa loo arki karaa "adeegyada caafimaadka isbitaalka aan ku salaysanayn ee munaasabka ah".
Xaalada Caafimaadka Gurmadka Degdega ah: Xaalada caafimaad oo iskeed u sheegeysa astaamo daran oo aad u daran, oo ay ku jiraan damqasho daran, oo hadii aan isla markaba la dawaynin laga filan karo inay keento:
- Inay geliso khatar daran caafimaadka shakhsiga (ama, marka la eego bukaanka uurka leh, caafimaadka bukaanka ama ilmaheeda uurka ku jira).
- Cuuryaamin aad u daran oo shaqada jidhka ah.
- Waxyeelo aad u daran oo wax unug jidhka ah ama qaybtii.
Marka la eego bukaanka uurka ee foolanaya waxay ka dhigan tahay shuruudo:
- Inayna jirin wakhti ku filan oo loo wareejin karo si amaan ah isbitaal kale oo ay ku dhasho; ama
- U wareejintu inuu keenayo khatar caafimaadka ah ama amaanka bukaanka ama ilmaha aan dhalan.
Goobta Adeegga 11: Ujeedada siyaasadan, weedhan waxay sheegayaa in dhamaan goobaha Primary Care ee UW Medicine iyo wixii kale ee xarumo caafimaad ama xafiis dhakhtar ee aan isbitaal ahayn ee madax banaan ee daryeelka caafimaadka xirfadle lagu bixiyo ee soo dalacda kharashka xirfadlaha.
Xubnaha Physicians UW: Ujeedada siyaasadan darteed, dhakhtarka ama xirfadlaha daryeelka caafimaadka ee kale ee u qalma ee fulinaya heshiiskan shaqada ee Dhakhtaatiirka UW ama sida kale loogu qoray adeegyadooda Physicians UW sida uu dhigayo heshiiska ee ku bixiya adeegyada goob UW Medicine ay ansixisay shaqadeena.
SHURUUDAHA U QALANKA
Dadka doonaya kaalmada dhaqaale waa inay buuxiyaan shuruudaha u qalanka oo ay buuxiyaan nidaamka arjiga, sida lagu sharaxay halkan.
Daganaanshaha iyo Baaxada Adeegyada
U qalanka kaalmada dhaqaale waxay u baahan tahay in qofku degan yahay Gobolka Washington oo adeegyada caafimaadka ee uu doonayaa ay yihiin adeegyada caafimaadka isbitaalka ku salaysan ee munaasabka ah, cakiska adeegyada baadhitaanka ah, ikhtiyaar ama tijaabo ah. Qofka aan deganayn Gobolka Washington ee aan u qalmin kaalmada dhaqaale marka uu qofkaasi soo galo Gobolka Washington isaga oo doonaya daryeel caafimaad. Qaxootiga, dadka magan galyo doonka ah, iyo dadka soo galaytiga ah waxaa laga dhaafay shuruudaha deganaanshaha Gobolka Washington ee u qalanka kaalmada dhaqaale. Sidoo kale waxaa laga dhaafay shuruudaha deganaanshaha Gobolka Washington bukaanka ku jira Xaalada Caafimaad oo Degdega ah. Kaalmada dhaqaale la iskuguma diidi doono xaalada soo galaytiga. Waxaa laga soo reebey dadka deegaanka iyo baaxada adeegyada loo baahan yahay ee lagu sheegey qaybtan waxaa kaliya la samayn karaa xaalado gaar ah iyo marka uu ansixiyo Sarkaalka Dhaqaale Guud ee UW Medicine ama cida uu u wakiishay. Inkasta oo sharciga federalka ama gobolku aanu dhigaynin, u qalanka kaalmada dhaqaale waxaa la gaadhsiinayaa shakhsiyaadka qaata adeegyada caafimaadka ee aan isbitaalka ku salaysnayn ee munaasabka ah ee buuxiya shuruudaha u qalanka sare ee siyaasadan.
Caymiska Ka Bixiya
Kaalmada dhaqaale waxay ka danbaysaa marka laga qiil waayo caymiska bixiya ee bukaanku uu leeyahay. Waxaa kamid ah:
- Caymiska caafimaadka kooxeed ama shakhsi ahaaneed.
- Barnaamijka gunada shaqaalaha.
- Medicare, Medicaid ama barnaamijyada kaalmada caafimaadka.
- Barnaamijyada gobolka kale, federalka ama ciidanka.
- Xaalada cid kale ay bixinayso. (sida, shil gaadhi ama dhaawacyo shakhsi ahaaneed).
- Gunooyinka caafimaadka qabaa'ilka.
- Daryeelka caafimaadka ee wasaarada wadaaga ee lagu sheegey 26 U.S.C. Qaybta. 5000A.
- Xaalado kale ee qof kale ama hay'ad kale ay saaran tahay masuuliyada sharci ee ah inay bixiso kharashka adeegyada caafimaadka.
Bukaanka daba gelin helitaanka caymiska ee heli kara ee sida kale ugu qalma (sida, Medicaid) waxay noqonayaan shakhsiyaadka loo qiimeeyo kaalmada dhaqaale.
Kahor inta aan la isku eegin kaalmada dhaqaale, bukaanka/damiinka u qalma caymis kale oo ka bixiya ayaa la qiimayn doonaa oo bukaanka/damiinka waxaa looga baahan yahay inuu dalbado caymiska barnaamijyadaas ee ay u qalmaan. Bukaanka aan u hogaansamin shuruudaha arjiga kaalmada dhaqaale waxaa loo diidi karaa kaalmada dhaqaale. UW Medicine waxay dooran kartaa inayna siinin kaalmo dhaqaale bukaan kasta oo u qalma inuu dib u bilaabo caymiska Medicaid oo aan dadaal wanaagsan samaynin oo ah nidaamka arjiga Medicaid. UW Medicine uguma diidayso kaalmada dhaqaale bukaanka kaliya iyada oo ka duulaysa diidmada bukaanka inuu ku biiro caymis uu ku heli karo bukaanka Health Benefits Exchange.
Dhakhliga
Sida ay dhigayaan sharciga iyo siyaasadu, dadka dahkhligoodu yahay heerka saboolnimada federalka taariikhda adeega waxa ay u qalmi karaan kaalmada dhaqaale inay qaataan. UW Medicine waxay eegi doontaa dhamaan ilmaha dhakhliga ee u qalanka dhakhliga jira ee kaalmada dhaqaale. Waxaa ku jira dakhliga: wadarta lacagta la qaatay kahor cashuurta inta aan laga jarin ee mushaharaadka; lacagta caydha; Lacagta Sooshaal Sekuuritiga; gunooyinka mudaharaadka; gunooyinka bilaa shaqada ama laxaad la'aanta; gunada ilmaha; biilka caruurta; iyo dakhliga rasmiga ah ee ganacsiyada iyo hawlaha maalgelinta ee la siiyo bukaanka/damiinka shakhsiga ah.
ARJIGA
Marka bukaanku uu doonayo inuu dalbado kaalmada dhaqaale, bukaanku waa inuu buuxiyaan Foomaka Macluumaadka Dhaqaalaha ee Sirta ah (Confidential Financial Information, CFI) oo uu bixiyaa waraaqaha daruuriga ah ee macquulka ah ee dhaqaale ee uu ku xoojinayo Foomka CFI ee hay'ada. UW Medicine waxa ay samayn doonaan xaalada kaalmada dhaqaale ee bukaanka ee wakhtiga dhigaalka ama isla markaa kadib marka la siiyo bukaanka adeegyada. Nidaamyada arjiga kaalmada dhaqaale waa in aanu culays aan loo baahnayn aanu saarin bukaanka, iyada oo lagu xisaabtamayo wixii caqabado ah marka bukaanka, iyada oo lagu xisaabtamayo wixii cabqado ah ee keeni kara dhibaato awooda u hogaansanka bukaanka ee nidaamyada arjiga. Eegitaanka u qalanka Medicaid ama gunooyinka kaalmada shacabka ee kale ee iyada oo lagala shaqaynayo Waaxda Helida Bukaanka, Maamulida Qorshaynta/Natiijada Ka Bixitaanka Isbitaalka (hadii ayna ahayn guri kaaliye caafimaad) ama Adeegyada Dhaqaalaha Bukaanka.
- Wax kamid ah waraaqaha soo socda waxaa loo arkaa inay yihiin cadaymo ku filan marka la eego u qalanka ugu danbeeya ee kaalmada dhaqaale:
- Bayaanka ka haynta "W-2";
- Waraaqaha mushaharka wakhtigan (3 bilood);
- Warbixinta bangiga (3 bilood);
- Cashuur celinta dakhliga sanadkii lasoo dhaafay, waxaa kamid ah jadwalka, hadii ay ku munaasab tahay;
- Warbixin qoraalka ah, oo saxeexan oo ka socota cida loo shaqeeyo ama cid kale (warqad xoojin) oo sheegeysa xaaladaada dhaqaale ee wakhtigan iyo xaaladaha hadii aanad haynin cadaynta dakhliga;
- Foomamka ansixitan ama diidmada u qalanka Medicaid iyo/ama kaalmada caafimaadka gobolku maalgeliyo;
- Foomamka ansixinta ama diidmada gunooyinka bilaa shaqada; ama warbixinta qoraalka ah ee cida loo shaqeeyo ama hay'adaha caydha.
- Sidoo kale, hadii bukaanku aanu haynin wax kamid ah waraaqaha kor lagu sheegey, UW Medicine waa inay ku xisaabtantaa warbixinta qoran ee uu saxeexay cida ka masuulka ah ama cid kale oo sheegeysa dakhliga dalbadaha. Hadii aan waxba la heli karin, UW Medicine waxay ku go'aamin kartaa aqoonta hore ee ay u leeyihiin kaalmada dhaqaale ee UW Medicine ee la siiyay ama iyada oo laga duulayo qofku waxa uu sheegey.
- Dhamaan macluumaadka la xidhiidha arjiga waa in la ilaaliyo sirtiisa. Nuqulada waraaqaha ee xoojinaya arjiga waa lagu dayn doonaa arjiga kaalmada dhaqaale oo waxaa la haynayaa todoba sano.
UW Medicine waxay ka tanaasuli kartaa shuruudaha dhakhliga, waraaqaha iyo xaqiijinta hadii u qalanka kaalmada dhaqaale ay iska cadahay. Shaqaalaha UW Medicine ayaa awood u leh go'aanka xaalada ee ay jiraan xaaladaha sida mushkiladaha bulshada ama caafimaad. Markaas oo kale, UW Medicine waxay ku xisaabtami doontaa warbixinta qoran ee saxeexan ee ka timid cida go'aanka ugu danbaysa ee u qalanka iska leh.
UW Medicine waa inay wargelisaa dadka dalbanaya kaalmada dhaqaale wixii go'aanka u qalanka ah mudo 14 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta wakhtiga la heli arjiga qofku buuxiyay iyo waraaqaha xoojinta. Ansixinta, dalabka macluumaadka dheeraadka ah ama diidmada kaalmada dhaqaale waa inay qoraal noqoto oo waa inay la socotaa tilmaamaha rafcaanka ama dib u eegida. Hadii UW Medicine ay diido kaalmada dhaqaale, shaqaalaha UW Medicine waa inay la socodsiiso qofka dalbaday waxa looga duulay diidmada. Hadii bukaanka/damiinka loo diiday uu siiyo waraaqo dheeraad ah UW Medicine ama uu dalbado in 30 maalmood dib u eegid loogu sameeyo marka uu heli wargelinta diidmada. Hadii dib u eegidu xoojiso diidmada kaalmada dhaqaale, wargelinta qoraal ah ayaa loo diri doonaa bukaanka/damiinka iyo Department of Health sida uu dhigayo sharciga gobolku.
UW Medicine kuma xisaabtanto hantida marka ay go'aaminayso u qalabka Kaalmada Dhaqaale. UW Medicine waxay eegi kartaa hantida oo waxay uruurin kartaa macluumaadka la xidhiidha hantida si loo go'aamiyo u qalanka Xaalada Adag.
SHURUUDAHA DHAQAALE
Hadii ay dhacdo in cida ka masuulka ahi ay bixiso qayb kamid ah ama dhamaan kharashaadka la xidhiidha adeegyada caafimaadka isbitaalka ku salaysan ama aan isbitaalka ku salaysnayn ee munaasabka ah ee la bixiyay dhamaan lacagtaas waxaa loogu celin doonaa cida bixisay 30 maalmood gudahood marka ay UW Medicine go'aamiso in bukaanku uu u qalmo kaalmada dhaqaale. Macluumaad dheeraad ah ayaa lage heli karaa siyaasada Kharash Dalicida iyo Qaadida ee isbitaalka.
Dhakhliga sanadkii ee qoyska waxaa la go'aamin doonaa wakhtiga adeegyada isbitaalka ku salaysan ama aan ku salaysan ee caafimaad la bixinayo, ama wakhtiga arjiga kaalmada dhaqaale hadii arjiga la gudbiyo laba sano gudahood wakhtiga adeega, bukaanka dadaal lagu kalsoon yahay u galay lacagta adeegyada daryeelka caafimaad ee la bixiyay, iyo bukaanka muujiya u qalanka kaalmada dhaqaale.
Wixii adeegyada xarunta iyo/ama xirfadle ah ee Airlift Northwest, Harborview Medical Center, UW Medical Center, UW Physicians, UW Medicine Primary Care, iyo Valley Medical Center:
- 0% - 300% FPL (Federal Poverty Level)-ka qiimo dhimis maaliyadeed oo ah 100%
Wixii adeegyada xarunta kaliya leh taariikhaha ka bixitaanka Julaay 1, 2022 ama wixii ka horeeyay ee Harborview Medical Center, UW Medical Center, iyo Valley Medical Center:
- 301% - 350% FPL-ka qiimo dhimis maaliyadeed oo ah 75%
- 351% - 400% FPL-ka qiimo dhimis maaliyadeed oo ah 50%
XADIGA KHARASHKA
Valley Medical Center waxay xadidaa xadiga kharashka ee xaalada degdega ah ama daryeelka daruuriga ah ee kale ee la siiyo shakhsiyaadka u qalma kaalmada hoos timaada Siyaasada Kaalmada Dhaqaale wax aan ka badnayn xadiga kharashka guud ee lagu dalacay (amounts generally billed, AGB) shakhsiyaadka haysta caymiska ee daryeelka noocan ah oo lagama qaadi karo "kharashaad dheeraad ah" ee shakhsiyaadka noocan ah. Eeg 26 USC §501(r)(5)(A) iyo (B). Ka eeg jaantuska wixii macluumaad dheeraad ah.
Xadiga AGB ma khuseeyo hay'adaha kale ee lagu sheegey baaxada la sharaxay ee "UW Medicine" sida uu dhigayo Siyaasada Kaalmada Dhaqaale.
NIDAAMKA
Dhinacyada Ka Masuulka ah: Adeegyada Latalinta Dhaqaale ama Dhaqaalaha Bukaanka
- Tilmaamaha/Talaabooyin
UW Medicine waxay siisaa bukaanka shaybaadh buuxa iyo wacyi gelin kaalmada dhaqaale. UW Medicine waxay dadaal macquul ah u geli doontaa go'aaminta caymiska cida kale ee daryeelka caafimaadka caafimaad ahaan daruuriga ah. UW Medicine waxay baadhi doontaa hadii bukaanka ama damiinka uu buuxiyay shuruudaha caymiska daryeelka caafimaadka ee hoos timaada barnaamijka kaalmada caafimaadka ee Cutubka 74.09 RCW ama Washington Health Benefit Exchange. Hadii macluumaadka Arjiga Kaalmada Dhaqaale ay muujinayso in bukaanka ama damiinkooda ay u qalmaan caymiska, UW Medicine waxay ka caawin doontaa bukaanka ama damiinkiisa inuu dalbado. Sidoo kale, tibaaxe tobobaran ayaa la heleyaa si uu kaaga caawiyo:
- Su'aalaha caymiska ee guud
- Helitaanka Adeegyada Turjubaada
- Ku biirida Medicaid, Medicare iyo Health Benefit Exchange
Waalidka/Damiinada waxaa la ogaadaa wakhti kala duwan oo baadhitaanka ah inay u qalmaan kaalmada dhaqaale sida kahortaga/jadwalka, wakhtiga booqashadooda/isduwaan gelinta, iyo adeega/kharash dalicida wixii ka danbeeya.
Wacyigelinta Kaalmada Dhaqaale waxaa kamid ah
- Calaamado lasoo dhigo aagaga muhiimka ah ee shacabka ee isbitaalka, waaxda gurmadka degdega ah iyo xarumaha caafimaadka oo ku qoran luuqadaha ay ku hadlaan wax ka yar boqolkiiba shan (5%) ee shacabka ama 1,000 shakhsiyaad oo degan aaga adeega isbitaalka. Calaamadaha muuqaalka ah waxaa lagu bixiyaa MyChart bukaanka balanta elektoroonig ahaan ku qabsaday.
- UW Medicine waxay bixisaa waraaqaha kaalmada dhaqaale oo ku jira uwmedicine.org/financialassistance ama valleymed.org/financialassistance.
- Shaqaalaha waxaa lagu tobobaraa kaalmada dhaqaale oo waxaa bukaanka loo gudbiyaa kaalmo.
- UW Medicine waxay sameeyeen barnaamij heerka tobobarka ee Siyaasada Kaalmada Dhaqaale iyo isticmaalka adeegyada turjubaada ee barnaamijka shakhsi ahaaneed ee dadka Ingiriisigoodu liito iyo dadka aan ku hadal Ingiriisiga oo ku qoran qaab lagu fahmi karo Siyaasada Kaalmada Dhaqaale. Tobobarku waxaa lasiiyay shaqaalaha soo dhawaynta ee ka shaqeeya isduwaan gelinta, dhigaalka, waaxda xaalada degdega ah, iyo kharash dalicida, iyo shaqaalaha kale ee ku munaasabka ah, si looga jawaabo su'aalaha kaalmada dhaqaale si wax ku ool ah, in la helo adeegyada turjubaada munaasabka ah, iyo macluumaadka loogu gudbiyo waaxda ku haboon wakhti munaasab ah.
- Xidhiidhka kharashka bukaanka waxay bixisaa kaalmo dhaqaale oo ku qoran Ingiriisi iyo Isbaanish (luuqada labaad ee ugu badan ee lagu hadlo).
UW Medicine ma bilaabi doonto dadaalka uruurinta ilaa inta marka hore la ogaanayo xaalada u qalmitaanka kaalmada dhaqaale. Marka UW Medicine ay marka hore go'aamiso in bukaanka ay dhici karto inuu u qalmo kaalmada dhaqaale, wixii talaabooyinka uruurinta ee aan caadiga ahayn (oo ay ku jiraan talaabooyinka madani, isku hagaajin, iyo gaadhsiinta hay'adaha uruuriya ama daynta) waa la hakin doonaa ilaa inta go'aanka ugu danbeeya ee u qalanka kaalmada dhaqaale lasoo saarayo. Laakiin, sida lagu sheegey WAC 246-453-020 (5), hadii bukaanku ama cida ka masuulka ah ay kaga soo jawaabi waydo si macquulka ah nidaamyada arjiga Kaalmada Dhaqaale ee siyaasadan waxay noqonaysaa cudurdaar ay ka duusha UW Medicine oo ay ku bilawdo dadaalka uruurinta ee bukaanka ku socota. Sidaas darteed, ujeedada siyaasadan, bukaanka ama cida ka masuulka ah waxay ku dhacday nidaamyada buuxinta Ajiga Kaalmada Dhaqaale ee macquulka ah marka bukaanka ama cida ka masuulka ahi ayna ku soo gudbin macluumaadka arjiga 15 maalmood oo shaqo gudahood marka bukaanka ama cida ka masuulka ahi ay hesho macluumaadka. Wixii dadaal uruurin ah waa la joojinayaa hadii bukaanka ama cida ka masuulka ahi ay dib u bilawdo nidaamka arjiga.
Xisaabaadka loo gudbiyay hay'ada uruurinta iyo kuwa xaakin uu nidaamka maxkamada ku xukumay wixii intaa ka danbeeya uma qalmaan in loo eego kaalmada dhaqaale. Bukaanku waxa uu dalban karaa kaalmada dhaqaale wakhti kasta kahor inta aanu xaakinka maxkamadu soo saarin go'aanka.
TAARIIKHDAHA DIB U EEGIDA/NAQDINTA: 3/2/2015, 3/23/2016, 4/18/2016, 10/2/2017, 10/1/2018, 5/29/2019, 1/1/2020, 1/12/2022, 7/1/2022